Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan kusoo qaadaneynaa shirka dib u heshiisiinta maamulka Koofur Galbeed, waxaana marti ku ah guddoomiye ku xigeenka shirka Baydhabo Prof. Ibrahim Sheekh Cabdiwaaxid.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaan toddobaadkan kusoo qaadaneynaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliya, waxaana marti ku ah guddoomiyaha xiriirka K/cagta Cali Shiino.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay oggolaatay heshiisyadii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, waxaana tallabadan ay kala qeybisay aragtida dadweynaha ee ku aaddan heshiiskan.
Sidee dadka Soomaaliyeed uga faa'iideysan kartaan kulluunka ka buuxa badda Soomaaliya? Su'aashaa waxaa ka jawaabaya barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha, waxaana marti ku ah Eng. Caydaruus Axmed Xasan oo ku takhasusay arrimaha badda iyo kalluumeysiga.
Gobollada Dhexe iyo qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya waxaa ka bilowday howlgal loogu magac daray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dagaallada si toos ah ugu jira dhallinyarada iyo odayaasha qabaa'ilka dega Hiiraan, Galguduud iyo Shabeella Dhexe.
Barnaamijnka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaan kusoo qaadaneynaa doorka ay Jaamacadda Muqdisho ka qaadatay horumarinta tacliinta sare ee Soomaaliya, waxaana marti ku ah Dr. Ibraamih Maxamed Mursal, guddoomiyaha Jaamacaddaas.
Ergeyga Gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa xarunta Qaramada Midoobay ee New Yorka, isaga oo u oleynaya inuu indhaha caalamka kusoo jeediyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo wax ka qabashada abaaraha.
Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ka digtay in abaaraha Soomaaliya ay isku bedeli doonaan macluul wixii loo gaaro bisha soo socota Oktoober, isla markaana ay gaajo iyo macluul u dhiman doonaan kumannaan qof, haddii aan la helin ugu yaaan $1 bilyan oo dollar oo wax looga qabto.
Kuwo kale