Qarax bambaano oo ka dhacay goob ay tageerayaasha kubadda cagta ee dalka Nageria ku daawanayeen cayaaraha adduunka ee ka socda dalka Brazil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof.
Madaxweynaha Iran Xasan Rawxaani ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay Ciraaq ka taageerto dagaalka ka dhanka ah kooxda Sunniyiinta ah ee ISIS. Madaxweynuhu wuxuu beeniyay in Iran ay horey ciidamo ugu dirtay Ciraaq
Muxuu salka ku hayaa dagaalkan? Maxaase xal looga gaari la'ayahay oo ay muddo la soo jiitamayeen? Muxuuse yahay doorka dowladda? barnaamijkeena Faaqidaadda Todobaadka arrimahaasi ayuu ku saabsan yahay
Ilaa iyo 20 hay'adood oo kuwa gargaarka bani aadnimo ka shaqeeya ah ayaa warbixin cusub oo ay soo saareen ku sheegay in Dadka Somaliyeed hadii aan la gargaarin ay dib u soo wajaheyso xaalad Musiibo
Barnaamijka Hambalyada iyo heesaha oo ay ku jiraan heeso xiiso leh iyo waraaqihii aad soo dirsateen ee toddobaadkan ka bogta.
Barnaamijka wicitaan dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay howlgalka howlgalka ciidamada AMISOM ee ka dhanka ah al-Shabaab.
Ra’iisal wasaarahii ku meel gaarka ahaa ee dalka Masar Hazem el-Bewlawi iyo xukukuumaddiisa ayaa maanta iscasilay. Ra’iisal wasaaraha ayaan faah faahinin sababka keentay inuu ku dhaqaaqo tallaabadan.
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee todobaadkan waxaan ku eegeynaa tacadiyadii iyo xad gudubyadii xuquuqul insaanka ee Somalia sanadkii la soo dhaafay ee 2013kii
Mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweynaha Syria Bashaar al-Asad ayaa noqday mid lagu kala qeybsanyahay, iyadoo wufuu ka kala socota ilaa iyo 30 wadan, Qaramada Midoobay iyo dhinacyada ku dagaalamaya Syria ay ku kulansanyihiin dalka Switzerland.
Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Iran inay ka qeyb gasho wada hadalada nabadeed ee Syria,ee maalinta Arbacada ah ka furmaya dalka Switzerland.
Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad ay ka muuqdaan qodobo muujinaya in xoogaa horumar laga gaaray wada xaajoodka.
Guddiga doorashada dalka Masar ayaa sheegay in 98% dadka dalka Masar ay oggolaadeen dastuurka cusub, kaasoo baddali doona dastuurkii hore ee lagu ansixiyay dowladdii Maxamed Morsi.
Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib u qabsadeen magaalada Bor, oo ah Magaalado Istaraatiiji ah, oo dhowr jeer oo hore dhinacyadu ay kala qabsadeen
Soomaalida ku nool Magaalada Washington. D.C iyo hareeraheeda ayaa xalay isugu timid kulan lagu taageerayay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed.
Barnaamijka wicitaanka dhageystaha, oo aan todobaadkan ku soo qaadanay doorka ciidamada shisheeye ee Somalia jooga ay ka qaadan karaan soo celinta iyo xasilinta dalka,ayaa waxaa marti ku ah General Cali Xaashi Baraale.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay in ka badan 40 kalena wey ku dhaawacmeen weeraro ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo xalay ka dhacay banaanka hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Dhageystayaal waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa barnaamij gaar ah oo aan dib ugu milicsaneyno dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee soo maray dalalka Afriga iyo guud ahaan dunida.
Kumanaan kun oo dadka reer Koonfur Africa ah ayaa xusay halyeygoodii geeriyooday, Nelson Mandela, In ka badan 100 hogaamiye oo caalamka ka socday ayaa sidoo kale ka qeybgalay xuska.
Dawladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhexe ee Muqdishu u wareejisay gabadh weriye ah oo ku eedaysay laba weriye, oo ka tirsanaa Idaacadda Raadiyo Muqdishu oo ku hadasha codka dawladda, inay kufsadeen.
Dowladda Iran iyo dalalka ugu awoodda badan dunida ayaa heshiis horudhac ah oo lix bilood soconaya ka gaaray barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, iyo cunaqabateynta oo laga qafiifiyo Iran.
Kuwo kale