Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mustaqbalka Siyaasadeed ee Asad


Mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweynaha Syria Bashaar al-Asad ayaa noqday mid lagu kala qeybsanyahay, iyadoo wufuu ka kala socota ilaa iyo 30 wadan, Qaramada midoobay iyo dhinacyada ku dagaalamaya Syria ay ku yeelanayaan kulan muddo dheer la sugayay dalka Switzerland.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladda Syria Arbacadii shalay, isagoo sheegay in mushkiladaha dalkaasi ka taagan waxaa sabab u ah ciidamada oo awood xad dhaaf ah u adeegsaday “ banaan baxyo nabadeed”

Waxa uu yiri maadaama mucaaradka iyo dowladu ay ku kala aragti duwanyihiin waxa uu noqonayo mustaqbalka siyaasadeed ee Mr. Asad, qeyb kama noqon karo dowlad ku meel gaar ah oo labada dhinac ay isku raacsanyihiin.

Waxa uu yiri "Ma jirto sabab, sabab macquul ah oo lagu fekeri karo in nin hormuud ka ahaa jawaab waxashnimo oo uu waxyeelay dadkiisa, in loo xalaaleeyo inuu wax sii xukumo”

Mr. Kerry sidoo kale waxa uu ku nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay wuxuu ugu yeeray “Bilowga wada xaajoodyo adag”

Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayaa u aragta in wada hadal uusan Mr. Asad iyo Iran aysan qeyb ka aheyn in aan laga filan karin natiijo dhab ah oo ka mira dhalin karta xal u helista colaadda Syria.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa hor boodayay dadaalka ku aadan qabsoomidda wada xaajoodkan oo daba socda heshiis lagu gaaray sanadkii 2012kii shir caalami ah oo looga dan lahaa xal u helista mushkiladaha Syria.

Agendaha wada xaajoodkan waxaa ku jira talaabooyin dhowr oo si isxigxigta loo qaadi doono, oo ay ku jiraan ka wada hadalka dhismaha dowlad ku meel gaar ah, xabad joojin iyo balanqaadidda sidii loogu ogolaan lahaa gargaarka bani aadnimo galangal buuxa.

Colaada ka taagan Syria ayaa soo bilaabatay bishii March sanadkii 2011kii, markii mudaaharaadyo nabadeed ay isu bedeleen dagaal sokeeye, oo ay Qaramada Midoobay sheegtay inay ku dhinteen in ka badan 100 kun oo qof, kuna qasbay ku dhawaad sagaal malyuun oo qof inay guryahooda ka cararaan.
XS
SM
MD
LG