Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergadii Somalia iyo Somaliland oo Heshiis Gaaray


Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo.

Warbixin ka hadleysa qodobada heshiiska halka hoose ka dhageyso:


please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

VOAdu waxey wareysiyo la kala yeelatay Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Hadaba wareysiyada iyo falanqeyn ku aadan heshiiskan haka hoose ka dhageyso:


please wait

No media source currently available

0:00 0:22:29 0:00


Waxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadex bilood oo kasta mar ay wada hadalka isugu yimaadaan labada dhinac iyo qodobo kale.

Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.
XS
SM
MD
LG