Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay in ka badan 40 kalena wey ku dhaawacmeen weeraro ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo xalay ka dhacay banaanka hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Somaliya General Maxamed Cumar Madaale oo u waramayay VOAda ayaa sheegay in dadka qaraxyada ku dhintay ay u badankood ka tirsanaayeen ciidamada booliska iyo Nabad sugidda ee dowladda.

Weerarka ugu horeeyay oo dhacay abaara todobadii iyo barkii fiidnimo ayaa qof isa soo miidaamiyay waxa uu gaari ku dhuftay gaari kale oo horyaalay hotelka, qaraxaas oo ay ku dhinteen afar qof dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku dhawaad saacad ka dib ayaa waxaa hadana qarxay gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la dhigay hotelka baanaankiisa.

Marka uu qaraxaasi dambe dhacayay ayaa ciidamada dowladda iyo kooxaha gurmadka dab demiska waxay ku mashquulsanaa deminta gaadiid ku gubtay qaraxii hore.

Afhayeenka booliska waxa uu sheegay in qasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa dambe, dadka ku dhintayna ay ku jiraan taliyeyaashii saldhigyada booliska ee Degmooyinka wardhigley iyo Shangaani.

Isagoo la hadlayay raadiyaha ay dowladda ayaa taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdulxakiim Daahir Saacid waxa uu sheegay in weeraradan ay ku soo beegmeen xilli ciidamada dowladda ay heegan buuxa ku jireen muddo laba maalmood ah ka dib markii ay heleen warar ku aadan weeraro argagixiso oo lala damacsanaa bartilmaameedyo ay ku jiraan hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho.


Kooxda al-shabab ayaa ku sheegatay bogeedda Twitterka ee internetka fariin ay soo dhigtay inay ka dambeeysay weerarada.
Bishii December, sanadkii 2012kii, ayaa al-Shabab waxey weerar ku qaaday hotelkan xiligaas oo uu hotelka uu ku sugnaa madaxweynaha Somalia Xassan Sheek Maxamu, markii la doortay ka dib.
Bishii June ee sanadkii tegeyna al-Shabab waxey sheegatay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, oo ku dhow hotelkan.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jireen afar qof oo ajnabi ah.
XS
SM
MD
LG