Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Dagaalada Shabeellaha Hoose


Kulanti wacan oo wanaagsan dhageystayaal kuna soo dhawaada barnaamijkeenii faaqidaadda todobaadka.

Dhawaan waxaa dagaalo ay ka dhaceen deegaano ka mid ah gobolka shabeelaha hoose, waxaana ciidamo iska soo horjeeda oo ku labisnaa dresska ciidamada dowladda oo qaab beeleed u abaabulan ay ku hardameen gacan ku heynta deegaanada u dhaxeeya No 50 ilaa iyo magaalada xarunta u ah gobolka ee Marka.

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay dagaalada kuna baaqday in si deg deg ah loo joojiyo. Waxayna ay bilowday dadaal lagu nabadeeynayo dhinacyada dagaalamay.
Dadaalkaasi waxaa hormuud ka ah guddi gaar oo ay dowladdu u xilsaartay oo ay hogaaminayaan wasiirada Arimaha Gudaha iyo gaashaadhigga

Colaadan oo salka ku heysa muran ku saabsan lahaanshaha dhul beereedyo ayaa waxay abuurtay cabsi laga qabo in mar kale Somaliya ay ku soo xoogeystaan dagaalada ku saleysan qabiilka xilli dowladda ay hardan ugu jirto hirgelinta hanaanka Federalka iyo higsiga doorasho Somalia ka qabsoonta sanadka 2016ka.

Hadaba maxuu salka ku hayaa dagaalkan maxaase xal looga gaari la'ayahay oo ay muddo la soo jiitamayeen, iyo doorka dowladda Soomaaliya arimahaa iyo kuwo kale ayaan ku eegeynaa barnaamijkeena.

Halka hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran.
please wait

No media source currently available

0:00 0:36:30 0:00
XS
SM
MD
LG