Maxamed Nuur oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn ayaa maanta lagu xukumay ku dhowaad shan sano oo xabsi ah.
Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, waxaa sidaas maanta sheegay Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK.
Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey “ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda” kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda.
Soomaaliya ayaa aqbashay go’aanka Maxkmadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go'aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.
Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu go’aansaday in howlgalka uu hadda ka fuliyo Soomaaliya ee AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ay ku mideysan yihiin.
Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa Axaddii “ixtiraam buuxa” ka dalbaday Faransiiska kadib murankii dhex-maray labada dal ee ku saabsan dal-ku-galka iyo haddallo aan wanaagsaneyn oo Paris ay ka sheegtay dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.
Heshiis shidaal oo qarsoodi ah, oo sanadkii hore ay galeen Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ahaa soo celinta xiriirka labada dal, ayaa hadda halis ugu jira inuu burburo.
Ankara ayaa ka carootay qorshe Mareykanka uu doonayo in dalal saddexaad, sida Turkey, uu dib u dejin ugu sameeyo kumanaan Afghani ah, oo halis ugu jira in Taliban ay u beegsito xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka dartiis.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarka “nacasnimada” ah ee ay ku qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey xeebaha Oman.
Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay xubnihii ugu horreeyey ee maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo ah illaa shan Senator.
La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sida ugu deg degta badan uguna macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray jadwal cusub oo loo dejiyey doorashada Soomaaliya iyo go’aano ay ku gaareen shirka arrimaha doorashada ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.
Dambi baarayasha ayaa sheegay inay baarayaan haddii xagjirnimo ama dhibaatooyin dhinaca dhimirka ah ay 24 jir ah Soomaali ah ku hogaamiyeen weerar toorey oo uu ka gaystay magaalada Würzburg, kaasi oo uu ku dilay saddex qof, kuna dhaawacay lix kale.
Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea.
Kuwo kale