Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu Abiy Ahmed ka yiri qabsashada TPLF ee Mekelle?


Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Hoggaamiyayaasha Ethiopia ayaa Arbacadii hoos u dhigay muhiimadda ka bixitaanka ciidanka federaalka ee magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo ku adkeystay inay xilli kasta oo ay doonaan ay dib uga qabsan karaan mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah.

“Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,” ayuu yiri Abiy oo hadallo uu jeediyey uu baahiyey xafiiskiisa, Arbacadii.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bacha Debele ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee Mekelle looga dan lahaa “in gargaar lasiiyo” shacabka – hase yeeshee tallaabadaas deg deg looga laaban karo.

“Haddii ay na daan-daansadaan, maanta ayaan ku laaban karnaa Mekelle. Si kastaba, burburka wuu ka xumaan doonaa sidii hore,” ayuu yiri Bacha oo ah sarkaal sare oo ku lug lahaa howlgalka Tigray.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigray, ayaa AFP u sheegay Isniintii in qabsashadooda Mekelle ay ka dhigan tahay guul militari, isaga oo yiri “Qeybtii ugu xoogganeyd Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia gebi ahaan waa la burburiyey.”

Hase yeeshee Redwan Hussein, oo ah afhayeenka howlgalka dowladda, ayaa ka bixitaanka Mekelle ku qeexay mid xeeladeysan.

Mucaaradka hadda iyo wixii ka dambeeya “halis jiritaan kuma ahan fayoqabka qaranka” waxayna Ethiopia u baahan tahay inay diiradda saarto caqabadaha amni, ayuu yiri Redwan.

Dowladda federaalka Ethiopia ayaa markii ciidamadeeda ay Isniintii ka baxeen Mekelle waxay ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah.” Tallaabadaas ayey ku qeexday mid loogan dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo-saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka bani’aadannimo.

Si kastaba, TPLF ayaa xabad joojinta ku qeexday “kaftan”, waxayna wacad ku martay inay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Eritrea ka sifeyn doonto gobolka Tigray.

AFP

XS
SM
MD
LG