Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo baabi'iyey doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada Waqooyi


Rooble iyo guddiyada doorashada Somaliland
Rooble iyo guddiyada doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay.

Rooble ayaa go’aankan ku dhowaaqay isaga oo maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.”

Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ayaa u kala jabay laba garab, oo la kala safan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kala doorteen laba hoggaan,

Rooble ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Waxa uu intaas ku daray in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Rooble, ayaa laba maalin kahor xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo kala hoggaaminaya labada garab ee isku haya hoggaanka.

Heshiis la’aanta guddigan ayaa hortaagan inay billaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

Doorashada Aqalka Sare ayaa Khamiistii si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu doortay afar ka mid ah xubnaha kasoo galaya Jubaland. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay qabtay doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.

XS
SM
MD
LG