Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo aqbashay xukunka Maxkamadda ICJ ee kiiska badda


ICJ

Soomaaliya ayaa aqbashay go’aanka Maxkmadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, waxay caddaynaysaa inay u hoggaansamayso go’aanka maxakamadda, annaga oo ka rajaynayna Dowladda Kenya inay ilaaliso sarraynta sharciga caalamiga ah, ayna iska ilowdo damaceeda ku salaysan marin habaabinta iyo boor isku qarinta, taas beddelkeedana ay go’aanka maxkamadda u aragto fursad lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee deriska ah," ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkmadda.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda. Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku guul-darreystay isku day ay ku dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska.

Dhul badeedkii la isku hayey ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG