Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo doortay shan Senator oo Aqalka Sare ah


Koonfur Galbeed
Koonfur Galbeed

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay xubnihii ugu horreeyey ee maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo ah illaa shan Senator.

Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed ee lagu doortay magaalada Baydhaba, ayaa noqotay Senator Zamzam Ibraahim Cali, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare. Senator Zamzam ayaa Shariifo Cusmaan Xaji kaga adkaatay codeyn ah 81-4.

Kursigii labaad ee maanta la doorto ayaa waxaa ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ka adkaatay Farxiya Nuur Aadan. Kursiga Ayaan ay ku guuleysatay ayaa waxaa hadda ku fadhiya Senator Ilyaas Cali Xasan.

Senator Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa noqonaya labadii haween ee ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Sare ee cusub ee Soomaaliya.

Kuraasta kale ayaa iyagana waxaa loo doortay Aadan Cabdinasir Maxamed oo ka adkaaday Maxamed Xasan Aadan. Dr. Xuseen Maxamed Daahir oo ka guuleystay Xasan Maxamed Nuur, halka Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) uu ka badiyey Nuur Baabul Cadow.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah kan labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, ayada oo Khamiistii tegtay doorashadii ugu horreysay ay ka dhacday maamulka Jubaland.

XS
SM
MD
LG