Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ku dhiiri-geliyey Soomaaligii weerarka ka fuliyey Jarmalka?


germany
germany

Dambi baarayasha ayaa sheegay inay baarayaan haddii xagjirnimo ama dhibaatooyin dhinaca dhimirka ah ay 24 jir ah Soomaali ah ku hogaamiyeen weerar toorey oo uu ka gaystay magaalada Würzburg, kaasi oo uu ku dilay saddex qof, kuna dhaawacay lix kale.

Eedeysanaha oo Jarmalka yimid sanaddii 2015 ayaa habeenimadii Jimcaha weerarka ka gaystay gudaha dukaan lagu iibiyo alaabta guryaha, kahor inta uusan dibedda usoo bixin.

Waxaa kadib u awood sheegtay booliska oo bowdada ka toogtay.
Baarayaasha ayaa helay xog muujineysa in ninkan mar la dhigay isbital lagu daweeyo xanuunada dhimirka, waxayna booliska sheegeen inaan horey loogu aqoon inuu ahaa xagjir Islaami ah.

Hase yeeshee war laga soo xigtay qof goobjooge ah oo sheegay inuu yiri “Allahu Akbar” markii uu weerarka fulinayey, ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan waxa ku dhiiri-geliyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha gobolka Bavaria Joachim Herrmann ayaa sheegay in booliska ay weli ururinayaan caddeymo, ay ka mid yihiin laba taleefon gacmeed.

Hase yeeshee waxa uu carabka ku eedeeyey “in tilmaamaha ku saabsan suurta-galnimada mowqif xagjirnimo Islaami ah, iyo kuwa la xiriira xanuun dhanka dhimirka ah oo uu qabay aysan labaduba is-diideyn.”

Warbaahinta Spiegel Online ayaa werisay in eedeysanaha uu markii su’aalaha la weydiiyey sheegay in ficilkiisa uu ahaa mid “jihadi ah”.

Wargeyska Bild ayaa isna ku warramay in booliska ay aalado loo adeegsado dacaayadaha kooxda Daacish ay ka heleen aag lagu rido qashinka oo yaalla dibedda xarun lagu hayo dadka aan hooyga laheyn oo uu ku noolaa eedeysanaha.

Booliska ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin warbixinadan.

XS
SM
MD
LG