Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blinken oo farriin la xiriirta doorashada u diray madaxda Soomaalida


Antony Blinken
Antony Blinken

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sida ugu deg degta badan uguna macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.

Blinken oo Soomaaliya u diray hambalyo la xiriirta munaasabadda maalinta xoriyadda ayaa yiri “Munaasabaddan awgeed, waxaan ku baaqayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si taasi ay u suurta-galiso soo geba-gebeynta hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay, islamarkaana daah-furan, sida ugu deg degta badan uguna suurta-galsan."

Blinken ayaa sheegay in taasi ay si weyn muhiim ugu tahay mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, oo ka kooban ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa Talaadadii soo saaray jadwal cusub oo loo dejiyey doorashada Soomaaliya iyo go’aano ay ku gaareen shirka arrimaha doorashada ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021, ayada oo midda xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka lasoo geba-gebeynayo ugu dambeyn 20-ka September, sida qorshuhu uu yahay.

XS
SM
MD
LG