Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixinta Kooxda QM ee Soomaaliya


Warbixinta waxa ay ka hadleysaa is-beddelada uu Al-Shabaab kusoo kordhiyey hogaamiyiha beddelay Godane ee Abu Cubeydah, iyo ilo cusub oo Al-Shabaab ay dhaqaale ka hesho.

Warbixinta kooxda QM ee kormeerkaa cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea waxaa lagu sheegay in xarakada Al-Shabaab ay weli tahay halista ugu weyn ee amniga iyo nabadgalyada Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Inkasta oo Al-Shabaab ay gacan ku haynta dhul badan ku lumisay weerarada ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya, ayay tiri warbixinta, haddana kooxda waa ay sii ballaaraneysi caalami ahaan, ayada oo weeraradeeda argagixisao si gaar ah diiradda ugu saareysa dalka Somalia deriska la ah ee Kenya.

Warbixinta QM ayaa dhinaca kalena cabsi ka muujisay, in dhulka Al-Shabaab ay kasii lumineyso koonfurta Somalia uu macanaheedu yahay inay kusii xoogeysan doonto buuraha Galgala ee Puntland, taasi oo albaab u fureysa xiriirka iyo isu socodka Al-Shabaab iyo Al-qaacidada Yemen.

Warbixinta waxa ay sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye ama Mahad Cumar Cabdikariim uu yahay hoggaamiye wax badan kaga duwan kii isaga ka horreeyey ee Axmed Cabdi Godane, oo kowdii September ee 2014-kii lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Abu Cubeydah waa nin tanaasul iyo wada shaqeyn ogol, aan dadka u caburin sida Godane, islamarkaana aqbala xubnaha qunyar socodka ah ee kooxda ku jira, taasi oo u sahashay in hoggaamintiisa kooxda ay noqoto mid guul ah illaa iyo hadda, sida ay tiri warbixinta.

Waxa kale oo ay warbixinta kooxda QM sheegeysaa in Abu Cubeydah uu weli sii wado in lala wadaago awoodda kooxda, isaga oo taliyayaasha iyo hoggaamiyayaasha deegaanada ay maamusho kooxda u ogoolaaday inay si madax banaan u shaqeeyaan, xitaa marka ay timaado arrimaha dhaqaalaha.

Kooxda QM ayaa dhinaca kalena shaaca ka qaadeysa inay heshay xog muujineysa in dilkii Yuusuf Dheeq Ismaaciil, oo ahaa madaxii Amniyaatka Al-Shabaab, kaasi oo la dilay 31-kii January ee 2015, ay fududeysay helitaanka signalka lambarka taleefon gacmeedkiisa, oo ay soo dhiibeen ciidamada ammaanka ee Somaliland. Yuusuf waxaa sidoo kale lala dilay Cabdishakuur Tahliil oo ka tirsanaa amniyaatka kooxda.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu yiri in istaraatiijiyadda dagaalka ee kooxda Al-Shabaab ay inta badan u beddashay beegsiga hoteellada ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay degaan xubnaha dowladda Soomaaliya, oo ay u aragto bartilmaameedyo beylahan, oo khasaare badanna dhalin kara, ayada oo xustay weeraradii lagu qaaday hoteelada Jazeera, Maka al-Mukarama iyo Central oo kuwada yaalla magaalada caasimada ah.

Warbixinta ayaa dhinaca kalena wax kama jiraan kasoo qaadday sheegashooyinka dowladda Soomaaliya ee ah in xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ay la macno tahay inay sii dhamaanayaan soo jiidashadii kooxda iyo awoodaheeda, ayada oo tusaale usoo qaadatay Zakariye Axmed Ismaaciil Xirsi, oo ahaa madaxii sirdoonka Kooxda Al-shabaab. Hase yeeshee kooxda QM waxa ay lee dahay in Zakariye uu ahaa nin dhinac looga riixay kooxda, sanado badan ka hor inta uusan is dhiiban, ayada oo sarakaal ka tirsan dowladda Somalia ay kooxda QM kasoo xigatay in xogtii uu Zakariye siiyey dowladda ay badankeed ahayd mid waqtigeeda la dhaafay, ama dadka oo idil ay wada og yihiin.

Waxaa warbixinta QM lagu xusay inay walaac tahay awooddii Al-Shabaab ay u yeelatay inay ku dhuumato garoonka diyaaradaha Muqdisho oo weerar ay ka fulisay 25-kii December ee 2014-ka iridkiisa hore lagu dilay sideed askari oo Amisom ah iyo laba qof oo rayid ah.

Dhibaatada ugu weyn, ayay warbiixnta ku sheegtay inay tahay, in kaararka aqoonsi ee lagu galo garoonka diyaaradaha Muqdisho, si fudud looga sameysan karo suuqa bakaaraha, lacag u dhaxeysa 20 illaa 40 dollar.

Ayada oo ka hadleysa ilaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab, waxay warbixinta sheegtay in lacagtii canshuur ahaanta ay kooxda uga heli jirtay dhoofinta dhuxusha oo sii yaraaneysa awgeed in kooxda ay iminka isku halleyneyso habab kale oo ay lacag ku uruurasto. Si gaar ah, ayay tiri warbixinta, waxay Al-Shabaab lacag badan ka heshay sakada qasabka ah oo ay ka qaaddo dadka ku nool dooxada Jubbooyinka. Waxaa sidoo kale dhaqaale badan ay ka heshaa Al-shabaab, sida warbixinta ay xuseyso, lacagta baadda ah ee ay ka qaado ganacsiyada waa weyn iyo kuwa yar yar, ayada oo la yaab ku tilmaamtay in ganacsiyo ku yaalla Muqdisho ay canshuur siiyaan Al-Shabaab, balse aysan siin dowladda federaalka ah.

Gawaariada xamuulka ah ee sonkorta ka qaada Kismaayo islamarkaana geeya Kenya, ayay warbixinta sheegtay in Al-Shabaab ay dhexda u gasho, kana qaado baabuur kasta lacag kun dollar ah.

Kooxda QM waxa ay sidoo kale sheegtay inay ogaatay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxaha daroogada ka ganacsada ee geeska Afrika, ayaga oo ka wada shaqeeya in daroogada heroin-ka loo yaqaan ee laga keeno Afghanistan loo gudbiyo Yurub, halkaasna lacag badan Al-Shabaab ay ka sameyso.

Ayada oo ka hadleysa cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia, ayaa warbixinta waxa ay sheegtay in dowladda Somalia ay horumar wanaagsan ka sameysay la socod siinta kooxda ee hubka dowladda u imanaya, ayada oo lagu dabqayao qaraarkii cunaqabateynta hubka looga qafiiyey dowladda, taasina ay ugu wacan tahay dadaallada La-taliyaha Amniga qaranka Somalia.

Inkasta oo horumarkaas uu jiro, ayaya haddana warbixinta waxa ay walaac ka muujisay in dowladda aysan weli sawir cad ka bixin awoodda iyo qaab dhismeedka ciidamada amniga qaranka, oo ay ku jiraan maleeshiyada xulafada la ah dowladda. Si gaar ah, ayay tiri warbixinta, Hoggaamiyayaasha Ciidamada Qaranka waxa ay badiyaan tirada ciidamada dowladda u diiwaanka gashan, oo mar walba lagu kordhiyo tirooyin aan jirin, si halkaas lacag looga sameeyo.

Waxa ay warbixintu sheegtay in intii la qafiifiyey cuna qabateynta hubka ee dowladda saaran, ay dowladda Soomaaliya heshay 17,500 oo hub ah iyo sagaal milyan oo rasaas ah, sidaas oo ay jirtana ciidamada dowladda aysan awood u lahayn inay kaligood si firfircoon ula dagalaaman maleeshiyada Al-Shabaab.

Inkasta oo aan la socon karno hubka galaya Soomaaliya, ayay tiri kooxda QM, haddana waxaan ogeyn marka hubkaas uu galo gacanta dowladda sida loo qeybiyo ama halka uu ku dambeyn doono, iyo xaqiiq ahaan tirada dhabta ah ee hubka ee dowladda ay u baahan tahay.

XS
SM
MD
LG