Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangiga Afrika Oo 30 Milyan Siinaya Somalia


Muqdisho
Muqdisho

Lacagtan 30-ka milyan ah ayaa waxaa lagu yaboohay shirkii shalay ka dhacay magaalada Brussels ee lacagta loogu ururinayey qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku laabanaya.

Magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa shalay lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayo ururinta kaalmo dhaqaale oo loo raadinayo qaxootiga Soomaalida.

Ujeedada laga leeyahay arrintan ayaa waxaa ay tahay in dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ay gacan ka gaystaan dhaqaalaha laf-dhabarta u ah dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya, gaar ahaan kuwa iskood u doonaya in ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa kaga dhawaaqay shirka Brussels in ay 30 Milyan ku yabooheen kaalmada la xiriirta dib-u-dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay iskood ugu laabtaan dalka Soomaaliya.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo haatan ah madaxa mashaariicda dibadda ee Afrika Development Bank oo shirka Brussels uga wakiil ahaa bangiga – waxaana uu ka wareystay waxa ay tahay kaalinta bangiga ee shirkaasi lasoo gaba gabeeyay.

Dhageys Wareysiga Cabdiraxmaan Bayle
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

XS
SM
MD
LG