Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Emailka Agaasimaha CIA oo la Jabsaday


Macluumaad laga helay cinwaan gaar ah oo uu leeyahay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Debedda Maraykanka ee CIA John Brennan ayaa debedda la soo dhigay, ka dib markii maalmo ka hor ay koox u dhacda Computeradu ay jabsadeen Emailkiisa.

Shabakadda Wikileaks ayaa maanta oo khamiisa soo bandhigtay nuqullo kala duwan oo laga soo xigtay emailka Agaasimaha hay’adda CIA, kuwaas oo ay ku jiraan qoraallo qabyo ah oo laga diyaariyey caqabadaha soo foodsaaraya hay’adaha nabadsugidda Maraykanka iyo soo jeedino la xidhiidha sida Maraykanku ula macaamili karo dalka Iran.

Shabakaddan soo bandhigta macluumaadka sirta ah ayaa sidoo kale baahisay qorshe qabyo ah oo ku saabsan codsi uu leeyahay, kaas oo xambaarsan macluumaad shakhsi ah oo ay ku jiraan lambarkiisa diiwaanka bulshada ee loo yaqaan Social Security Number.

XS
SM
MD
LG