Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqayn: Sababaha Keenay Tanaasulka Biden


Biden, Xaaskiisa iyo Obama oo taagan beerta Rose ee aqalka cad oo uu go'aankiisa kaga dhawaaqay.
Biden, Xaaskiisa iyo Obama oo taagan beerta Rose ee aqalka cad oo uu go'aankiisa kaga dhawaaqay.

Dhawaqa Biden uu maanta ka sameeyey aqalka cad, ayaa soo gebo gebeeyey toddobaadyo su'aallo la iska weydiinayey waxa uu noqon lahaa go'aankiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuusan raadin doonin inuu noqdo musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ee 2016.

“Waxaan aaminsanahay in aynan haysan waqti, waqtiga lagama maarmaanka ah ee aan ku sameyn karno olole guuleysan kara” ayuu yiri Biden.

Dhawaqa Biden uu maanta ka sameeyey aqalka cad, ayaa soo gebo gebeeyey toddobaadyo warar la isla dhexmarayey oo ahaa inuu is sharxi doono.

Madaxweye ku xigeenka ayaa horey u sheegay inuusan hubin inuu hayo dareen uu isku sharxo kadib geeridii ku timid wiilkiisa Beau Biden oo bishii May ee sanadkan u geeriyooday kansarka ku dhaca maskaxda.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku horreysay loolanka xisbiga dimoqraadiga, ayada oo senator Bernie Sanders uu kaalinta labaad kaga jiro codadka ra’yiga.

Madaxa Laanta Afka Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow oo aqoon u leh isla markaana ka faallooda arrimaha Maraykanka ayaa faaqidaya sababaha keenay in Madaxweyne ku Xigeenka Maraykanku uu ka hadho doorashada Madaxtinimada Maraykanka.

Falanqeyn: Madaxa Laanta Af-soomaaliga ee VOA
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00

XS
SM
MD
LG