Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama Iyo Shariif Oo Maanta Kulmaya


Obama, ayaa la rajeynayaa in uu ku cadaadiyo Sharif in uu door weyn ka qaato wada hadal nabdeed oo dhex mara Kabul iyo ururka Taliban.

Xiririka dhow ee Pakistan lagu eedeynayo inay la leedahay ururka Taliban iyo hubka Nukliyeerka ee Islamabad, ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan ajandayasha ay ka wada hadli doonaan hoggaamiyayaasha Pakistan iyo Mareykanka marka uu Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu Khamiista maanta ku marti galiyo aqalka cad ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Obama, ayaa la rajeynayaa in uu ku cadaadiyo Sharif in uu door weyn ka qaato wada hadal nabdeed oo dhex mara Kabul iyo ururka Taliban oo hore u maamuli jirey Afghanistan, kuwaas oo weeraro ka geysanayay dalka Afghanistan tan iyo markii ay ciidamada Mareykanku meesha ka saareen maamulkii Taliban sanadkii 2001-dii.

Obama, ayaa toddobaadkii tagay ku dhawaaqay in uu qorsheynaayo in ciidamo 5,500 ah uu ku hayo Afghanistan wixi ka dambeeya sanadka 2016.

Aqalka Cad, ayaa sidoo kale Islamabad ku cadaadineysa inay la dagaallanto oo meesha ka saarto ururka Haqqani, oo saldhiggooda yahay Pakistan, kaas oo Mareykanku u arko urur mayal adag.

Obama, ayaa sidoo kale la rajeynayaa in uu kala hadlo ra’iisal wasaare Nawaz Sharif, islamarkaasina ka dhaadhiciyo in uu xaddido gantaalada Nukliyeerka ee keydka u ah Pakistan.

XS
SM
MD
LG