Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton Oo Wajaheysa Su'aalaha Banghazi


Hillary Clinton oo ka Walaacsan Somalia
Hillary Clinton oo ka Walaacsan Somalia

Clinton ayaa wajaheysa su’aalo fara badan oo Congress-ka uu ka weydiin doono doorkii ay ku laheyd go’aamadii iyo qorshooyinkii ku xeernaa ammaanka qunsuliyadda Mareykanka ee Banghazi.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa maanta oo khamiis ah hor tageysa Guddi gaar ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka ee ay Jamhuuiriyiintu maamulaan, gudiggaas oo baaris ku hayay weeraraddii dhimashada dhaliyay ee sanadkii 2012-kii lagu qaaday Qunsuliyaddii Mareykanka ee Magaalada Benghazi ee dalka Libya.

Clinton ayaa wajaheysa su’aalo fara badan oo uu guddiggan ka weydiin doono doorkii ay ku laheyd go’aamadii iyo qorshooyinkii ku xeernaa ammaanka qunsuliyadda iyo weerar kale oo lagu qaaday dhisme u jiray hal mayl (MILE) oo isna lagu dilay laba muwaadin oo Mareykanka u dhashay oo qandaraas kula shaqeeynayay Laanta Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, xilligaas oo ay aheyd sarkaalka ugu sareeya Mareykanka ee arrimaha Dibadda.

Marag furkeedan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordheyso dhaleeceyn ku aadan in Jamhuuriyiintu ay dhageysiga Clinton u adeegsanayaan inay ku dhaawacaan hankeeda ku aadan inay noqoto murashaxa madaxtinimo ee xisbiga dimuquraadiga ee doorashada sanadka 2016-ka.

Dimuquraadiyiinta oo ay Clinton lafteeda ku jirto , ayaa dhaleeceynta sal uga dhigay – hadal uu ka sheegay Telefishinka Fox News – Hogaamiyaha Jamhuuriyiinta McCarthy, kaasoo uu ku sheegay in tan iyo markii ay Jamhuuriyiintu ay abuureen Guddigan gaarka ah ee baaraya weeraraddii Libya, heerka siyaasadeed ee Clinton uu hoos u dhacay.

XS
SM
MD
LG