Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilka-Xanaf oo Xilka Ku Wareejiyey Dr. Ibraahim


Ilka-Xanaf iyo Suleyman
Ilka-Xanaf iyo Suleyman

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa xilka kala wareegay guddoomyihii ka horreeyey Caydiid Ilka-Xanaf.

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaalida Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomyihii ka horreeyey Caydiid Ilka-Xanaf.

Munaasabad xilka ay kula kala wareegayeen, oo uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Saree e magaalada Muqdisho.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-Xanaf, oo ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha Garsoorka, maantana ku baneeyey kursiga si sharaf leh oo Wadaniyadi ku dheehan tahay” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan xilka ka qaaday Caydiid Ilka-Xanaf, kuna beddelay guddoomiyaha cusub mudane Maxamed Cumar Carte.

XS
SM
MD
LG