Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Ajnabi Ah Oo Weeraray Al-Shabaab


Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo wata helikobtarro ay soo weerareen Tuulada Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose xalay ayna iska caabiyeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo wata helikobtaro ay soo weerareen Tuulada Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose xalay ayna iska caabiyeen.

Al-Shabaab waxay ku sheegeen warbaahintooda in ciidankaasi weerarka ay soo qaadeen uu ku dhaawacmay hal qof oo dumar ah.

Sarkaal ka tirsan dhinaca amniga ee mamaulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa VOA u sheegay in ciidamadan ay ka koobnaayeen kumaandoosta Soomaalida ah iyo kuwa ajnabi ah, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen saldhig ku yaalla Tooratoorow.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Gaabow waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay fuliyeen ujeeddada bartilmaameedkoodii, waxaana uu sheegay inay dileen qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab kuwo kalena ay soo qabteen, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiysay inay ciidamadeeda ay ku lug lahaayeen weerarka, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Bishii Maarso ayaa ciidamada kumaandoosta ee Soomaalida iyo kuwa Maryakanka ay hawlgal wadajir ah ka sameeyeen magaalada u dhow Tooratoorow ee Awdheegle.

XS
SM
MD
LG