Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: 3 Somali Ah Oo la Maxkamadeynayo


Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwad ka dhan ah saddex dhalinyaro Soomaali-Maraykan ah, kuwaasoo oo qeyb ka ahaa koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

Maxkamaddu waxay shalay bilowday xulista xeer-beegtida dacwaddan dhageysan doonta.

6 dhalinyaro ah oo kooxdan ka mid ahaa ayaa horey maxkamadda uga hor-qirtay danbi ah inay taageereen kooxda Daacish, halka mid kale oo isna kiiskan loo haysto la la'yahay, loona maleynayo inuu Syria joogo.

Haddaba, Sahra Ciidle ayaa sida maxkamaddu shalay ku billaabtay waxay ka wareysatay Sadiiq Warfaa oo ka mid ah hoggaamiyayaasha jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.

Dhageyso wareysiga Maxkamadda ka bilaabatay Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00

XS
SM
MD
LG