Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Jarmalka


Hal qof ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday mindi oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Munich.

Hal qof ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday mindi oo saaka ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo ku taalla duleedka magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Afhayeen u hadlay booliiska, Hans-Peter Kammerer ayaa sheegay in nin Jarmal ah ay u xireen weerarka oo shanti subaxnimo ka dhacay magaalada yar ee Grafing oo 23 mile dhinaca woqooyiga bari ka xigta magaalada Munich.

“Illaa iyo hadda ma xaqiijin karno sababta ka dambeysay weerarka. Waxaa fulieyy 27 jir Jarmal ah. Wuxuu watay mindi, wuxuuna ku hadlay erayo muujinaya in weerarkiisa uu arirmo siyaasadeed la xiriiro” ayuu yiri Hans-Peter Kammerer.

Booliiska ma aysan sheegin erayada rasmiga ah ee ninka uu ku hadlayey, balse warbaahinta gudaha ayaa ku warramay inuu ku qeylinayey “Allahu Akbar”.

Booliiska ayaa sheegay inay dhacdadan baarayaan, mana jiraan illaa iyo hadda akhbaaraad intaan dhaafsan oo ay sheegeen.


XS
SM
MD
LG