Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia Oo Baareysa Eedeymo


Ra'iisul wasaare Cumar
Ra'iisul wasaare Cumar

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo eegaya eedeymo loo jeediyey hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo eegaya eedeymo loo jeediyey hay’adaha amniga Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban:

1 – Wasiirka Caddaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac
2 – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
3 – Wasiirka Amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4 – Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa eegi doona eedeymaha ka dhanka ah Hay’adaha amniga oo ah in caruurta kasoo goosata kooxda Al-Shabaab ay u adeegsadaan howlaha jaajuusnimada, sida ay qoreen waarbaahinta qaar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay nabad-galyo iyo dhaqan celin siiso caruurta kasoo goosata Al-Shabaab, sidaa darteedna ay beenineyso eedeymahan.

XS
SM
MD
LG