Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay bilowday diiwaangelinta shaqaalihii ugu horreeyey ee la gaynayo Sucuudiga kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan sheegay inay dawladdu heshiis la gashay dawladda Sucuudiga.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegtay in wareegga hore la diiwaangelin doono ilaa laba kun oo shaqaale ah.
Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Jacfar Kuukaay.