Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Askari Lagu Dilay Howlgal


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Askari ayaa dhintay, 6 kalena waa ay dhaawacmeen xilli ay ciidmada maamulka Galmudug hawlgal lagu qaadayo jidgooyo ay ka samaynayeen inta u dhaxeyasa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galinsoor.

Ciidanka Galmuudg ayaa howlgalka kooxihii jidgooyadu u taalay ka qabtay 14 malayshiyaad ah, oo la geeyay xabsiga Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidanka Galmuudg oo aan xiriir la sameynay, ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah isbaarada.

Hawlgalka ayaa ka dambeeyey wadahadalo maalmihii u dambeeyey Gaalkacyo uga socday horjoogyaasha malayshiyaadka iyo saraakiisha ciidanka Galmuudg oo looga xaajoonayey sidii loo qaadi lahaa Jidgooyada, wadahadalladaasi oo aan lagu guulaysan.

XS
SM
MD
LG