Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Xalane


Xalane
Xalane

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay inay maqleen illaa jugta shan madfac oo ka yeereysa xarunta Xalane.

Xarunta hawlgalka Midowga Afrika AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray madaafiicda hoobiyayaasha sida ay goobjoogayaal u sheegene idaacadda VOA.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay inay maqleen illaa jugta shan madfac oo ka yeereysa xarunta Xalane.

Wararka ayaa sheegay in hoobiyaasha qaarkood ay ku dhaceen meel si aad ah ugu dhow xarunta Taliska AMISOM, waxaana weerarku yimid saacado kadib makrii garoonka diyaaradaha Muqdisho ay soo gaadheen qaybtii ugu horraysay ee ciidamada ay soo dirtay dawladda Biritan.

Afhayeenka ciidamada Amisom Joe Kibet ayaa xaqiiijiyey weerarka, wuxuuna sheegay in illaa saddex gantaal ay xirada kusoo dhaceen, balse aysan jirin wax khasaare ah oo ay gaysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiicda ay ku dhufteen xarunta Xalane ay gaysteen khasaare, balse si madax banaan looma xaqiijin karo sheegada labada dhinac.

XS
SM
MD
LG