Goobaha codbixinta gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa furan, halkaasi oo maanta musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu tartan adag kula gali doono ninka ugu soo dhow ee Ted Cruz.
Guul uu Trump ka gaaro doorashada Indiana, ayaa wax ay u xaari doontaa waddadii uu ugu guuleysan lahaa tartanka xisbiga Jamhuuriga, una noqon lahaa musharaxa xisbigiisa u matalaya doorashada madaxtinimo ee bisha November.
Codbixintii ugu dambeysay ee dhinaca ra’yi uruurinta oo ay sameeyeen NBC News/Wall Street Journal/Marist ayaa muujineysa in Trump uu 15 dhibcood ka horreeyo Ted Cruz.
“Waa muhiim inaan ku guuleysano doorashadan, sidaa darteed Ted Cruz, ayaan ka gudbi karnaa, una gudbi karnaa inaan diiradda saarno Hillary Clinton” ayuu yiri Trump.
Ted Cruz ayaa waxa uu ku adkeystay inuusan ka tanaasuli doonin musharaxnimadiisa, xittaa haddii looga adkaado doorashada maanta ka dhaceysa gobolka Indiana.
Dhinaca Dimqoraadigana, Hillary Clinton ayaa waxa ay doorashada maanta ee Indiana kula loolami doontaa Bernie Sanders.