Hoggaamiyayaasha jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota ayaa codsaday in deg-deg ah loo baaro eedaha sheegaya in hay’adda TSA ay beegsato bulshada Soomaalida.
Shir jaraaid oo Minneapolis ay ku qabteen ayay jaaliyaddu ku sheegtay in bulsho si gaar ah loo beegsado aanay dastuuri ahay, dowladduna ay arrintaasi si sax ah u baarto.
Maxamuud Mascadde weriyaha VOA ee Minneapolis ayaa wareystay Ismaaciil Maxamed Xaaji oo ah maamullaha masjidka Abu-Bakar oo ka mid ah xubnihii shirka jaraaid qabtay.