Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW Oo Eedeysay Dowladda iyo Al-Shabaab


Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay adeegsadaan xeelado xadgub ah, si ay saameyn ugu yeeshaan warbaahinta.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa si isku mid ah ugu eedeysay dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab inay gaystaan xadgudubyo ka dhan ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Warbixin ay kaga hadleyso xaaladda suxufiyiinta Soomaaliyeed, oo ay maanta soo saartay ayay Human Rights Watch ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay adeegsadaan xeelado xadgub ah, si ay saameyn ugu yeeshaan warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta oo ka kooban 74 bog, cinwaanna looga dhigay “Sida Kalluun ku jira Biyo Sumeysan’: Weerarrada lagu hayo Xorriyadda Warbaahinta Soomaaliya,” ayaa waxay diiwaan gelisay dilalka, hanjabaadda, iyo xarigga aan loo meel dayin ee lagu hayo wariyeyaasha tan iyo sanadii 2014.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxay xeelado kala duwan u adeegsadeen sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen warbaahinta, oo ay ka mid tahay xarig iyo in albaabada loo laabo warbaahin, hanjabaad, iyo mararka qaar dembi kusoo oogid. Al-Shabaab ayaa bartilmaameedsata wariyeyaasha, taasoo qeyb ka ah duulaankeeda ka dhanka ah dowladda iyo warbixinnada ay kooxdu u aragto kuwo lid ku ah” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddaa tallaabo ay ku mujinayso sida ay uga go’an tahay in ay soo afjarto hanjabaadda iyo tacaddiyada ka dhanka ah wariyeyaasha ee ay geystaan ciidammadeeda ammaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG