Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dilay 7 Qof Oo Ka Dhacay Baay


Dagaalkan ayaa ku billowday, weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dowladda.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degamada diinsoor ee gobolka Baay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalkan ayaa ku billowday, weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dowladda.

Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalka uu dhex maray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka ayaa VOA-da u sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska caabiyeen, saldhigii lagu dagaalamayna ay haatan ciidamada dowladda ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG