Booliiska Kenya ayaa sii daayay Senator Biloow Keerow iyo afar xildhibaan oo kale, saacado kadib markii ay ka qabteen garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi.
Senator Keerow ayaa u sheegay VOA in isaga iyo saddex xildhibaan oo kale oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyiga Bari ee Kenya, in boolisku ay hayeen muddo kooban, kadibna ay sii daayeen .
Xubnaha ayaa loo haystay eedeyn ay dowladda ku eedeeyeen xabaal wadareed ay mudanayaashan sheegeen in laga helay Mandheera, balse Baaritaan lagu sameeyay Xabaal-Wadareedkaasi laga helay hal qof oo mayd ah.
Xubnahan la xiray ayaa shalay raali-galin ka bixiyay eedeymaha ay horey ugu jeediyeen dowladda.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ay degto, ayaa cambaareeyey xariga mas’uuliyiinta oo ay ku shegeen mid qalad ah.
Hoos ka dhageyso wareysiga Keerow