Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2 Wiil Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Seattle


Labada wiil ayaa mid waxa uu ku dhintay is xabadeynta koox burcad ah, halka mid kalena dabaq laga soo tuuray.

Laba wiil oo Soomaali ah, ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Seattle ee gobolka Washington, ee galbeedka dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ah wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Xamza Xasan Warsame, kaasi oo la sheegay in dabaq dheer laga soo tuuray, sabtidii.

Xasan Warsame oo ah aabaha Xamza ayaa VOA-da u sheegay in loo sheegay in wiilkiisa uu dabaq kasoo dhacay, balse booliiska aysan weli wax warbixin rasmi ah kasoo saarin.

Wiil kale oo Soomaali ah oo 19 sano jir ahaa, ayaa sidoo kale isna xalay lagu dilay magaalada Seattle kadib markii ay is xabadeeyeen kooxo burcad ah, sida ay VOA u sheegtay Sahra Bashiir Faarax oo madax ka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle.

Ma jiraan faahfaahinno dheeri ah oo ku saabsan dilka 19 jirkan Soomaaliga ah, waxaase weli socda baaritaanno.

Jamal Axmed Cisman, ayaa warbixintan ka diyaariyey dilalka Seattle.

Dilal ka dhacay Seattle
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG