Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia Oo Ka Warbixisay Jones


Diini
Diini

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in Cabdimaalik Jones uu ka yimid Baltimore ee gobolka Maryland.

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Cabdimaalik Cabdisamad Jones oo isku soo dhiibay kadib markii uu kasoo baxsaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in ninkan uu ka yimid magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, sida isaga laga soo xigtay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Jones uu mas’uliyiinta dowladda u sheegay inuu muddo 4 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, loona yaqaanay Khaliil.

Diini ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu sheegay inuu markii hore Soomaaliya kasoo galay deegaanka Dhoobley ee xuduudda Kenya, intii uu la joogay Shabaab-na uu guursaday gabdho Soomaaliyeed.

Shirka jaraa’id ee wasiirka waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Mareykan isku dhiibay dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

XS
SM
MD
LG