Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Lagu Qabtay Xeebaha Kismaayo


Markab lasoo qabtay
Markab lasoo qabtay

Markabkan ayaa waxaa laga lee yahay dalka Comoros, waxaana saaran 9 qof oo u dhashay dalka Madagascar, gacanta lagu hayo.

Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Kenya ee ka howlgala xeebaha magaalada Kismaayo oo ay waheliyaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Markab la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu kalluumeysi sharci darro ah ka waday nawaaxiga xeebaha magaalada Kismaayo.

Col. John Kipta oo ah taliyaha Ciidamada Amisom Qeybta magaalada Kismaayo ayaa VOA u sheegay in Markabkan laga lee yahay dalka Comoros.

Waxa kale oo uu sheegay in markabka ay saaran yihiin 9 ruux oo u dhashay dalka Madagascar, kuwaasi oo ay ku wareejiyeen mas’uulyiinta maamulka Jubbaland kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo ay VOA la hadashay, ayaa sheegay in guddi ka socda maamulka Jubbaland ay u saareen baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyo waxyaabaha saaran Markabka.

Ilaa iyo hadda warbaahinta looma soo bandhigin dadka lagu soo qabtay Markabka, waxaana sidoo kale si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ku jira markabka gudihiisa.

XS
SM
MD
LG