Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Woqooyi Oo Sheegatay H-Bomb


Bamka H-Bomb ama hydrogen-ka ayaa ah mid aad uga xoog badan kan Atomic-ga, sababta oo ah aad ayuu uga hormarsan yahay taknoolaji ahaan.

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa dunida ka go’doonsan uu hormariyey bom hydrogen ah.

Wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ee KCNA ayaa Kim kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Korea-da Woqooyi ay iminka tahay “Dal haysta hub nuclear oo xooggan, diyaarna u ah inuu qarxiyo bam atoomik ah iyo mid hydrogen ah, si madax banaanidiisa uu u difaaco”.

KCNA waxa ay sheegtay in Kim uu hadalkan jeediyey isaga oo kormeeraya goobta milatari ee taariikhiga ah ee (Phyongchon Revolutionary Site) ee magaalada Pyongyang.

Bamka hydrogen-ka ayaa ah mid aad uga xoog badan kan Atomic-ga, sababta oo ah aad ayuu uga hormarsan yahay taknoolaji ahaan.

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan sirdoonka dalkaas uu u sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo taageeraya sheegashada Kim.

Korea-da Waqooyi ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhaqaale, kadib markii ay fulisay saddex tijaabo hubka nuclear-ka ah oo dhulka hoostiisa ka dhacay sanadihii 2006, 2009, iyo 2013-kii.

XS
SM
MD
LG