Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Lala Xiriiriyey Daacish Oo La Xiray


Cabdirisaaq Maxamed Warsame oo ah 20 jir degan magaalada Eagan ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu rabay inuu taageero qalab siiyo Daacish.

Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu maleegeyey inuu taageero siiyo kooxda Daacish.

Cabdirisaaq Maxamed Warsame oo ah 20 jir degan magaalada Eagan ee duleedka magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa la xiray arbacadii laguna soo oogay dacwad dambiyeed ah inuu qorsheynayey inuu taageero qalab siiyo kooxda Daacish.

Sida ku cod dokumintiyo maxkamadeed oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AP, Cabdirisaaq ayaa isku dayey inuu wiilal kale oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ka caawiyo sidii ay ku gaari lahaayeen dalka Syria, si ay uga dhinac dagaalamaan kooxda Daacish.

Warqadaha maxkamadda oo sidoo kale xusay in 9 qof oo kale oo Soomaali ah lagu soo oogay dacwado la xiriira Daacish, ayaa sheegaya in dhammaantood ay doonayeen inay aadaan dalka Syria, ayaga oo maraya dalka Mexico ee xuduudda la leh Mareykanka.

Mid ka mid wiilasha doonayey inay u safraan Syria ayaa sheegay in Cabdirisaaq Maxamed Warsame uu ahaa hogaamiyahooda ama sida uu ugu yeeray Amiirokooda.

Warqad caddeyn ah oo uu qoray wakiilka gaarka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in saga oo ah amiirka cusub, uu Cabdirisaaq si dhaqso leh ugu dhiiri geliyey kuwa haysta baasaboorada iyo lacagta inay u safraan Syria, kadib dhammaadka xagaaga soo socda.

Cabdirisaaq Maxamed Warsame, ayaa la sheegay in mid ka mid ah ragga uu siiyey 200 oo dollar si uu ugu dalbado baasaboorka sida deg degga ah loo soo saaro.

Cabdirisaaq ayaa isaga naftiisa codsaday baasaboor deg deg loogu soo saaro, hase yeeshee codsigiisa koowaad waa la diiday. Si kastaba, waxa uu mar kale isku dayey oo uu baasaboorkiisa helay bishii August ee sanaddii 2014-kii.

Sidoo kale mid ka mid ah 10-kan wiil ee Soomaalida ayaa goostay ticket uu ku aadayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, bishii May ee 2014-kii, isaga oo qorshihiisu ahaa inuu halkaas uga gudbo dalka Syria.

Maalin ka hor inta uusan bixin, ayaa Cabdirisaaq iyo laba wiil oo kale waxa ay ku wehliyeey inuu soo daabacdo ticket-kiisa iyo waxyaabihii uu safarka ugu baahanaa. Si kastaba, wiilkan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Minneapolis-St. Paul International ku joojiyey wakiilada FBI-da, kuwaasi oo ka hor istaagay inuu diyaaradda koro.

Cabdirisaaq Maxamed Warsame, ayaa iminka waxa uu ku jiraa xabsiga booliiska, waxaana lagu wadaa inuu khamiista maanta ah kasoo hor muuqdo maxkamad degmeed federaal ah.

Sidoo kale, shan nin oo kale oo Soomaali ayaa bisha May maxkamad loo soo taagi doonaa, ayada oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin inay qorsheeyeen inay taageero siiyaan urur argagixiso oo caalami ah, iyo inay maleegeen inay dil ka geystaan meel ka basxan Mareykanka, taasi oo ciqaabta ugu adag ee lagu muteysan karo ay tahay xabsi daa’in.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wiilashan ay yihiin saaxiibo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, ayna isku gacan siiyeen inay ku biiraan kooxda Daacish. Qaar ka mid ah dadkan ayaa isku dayey inay xiriir la sameeyaan xubno ka tirsan Daacish, qaar waxa ay soo sameeyeen baasaboorada, qaarna waxay isku diyaariyeen inay qaataan tababar dagaal.

Saddex ka mid ah Soomaalidan ayaa goor horeba qirtay dambi ah inay maleegeen inay taageero siiyaan urur argagixiso oo caalami ah, waxaana ay sugayaan in xukun lagu rido.

Mid ka mid ah ayaa ku guuleystay inuu galo dalka Syria, sida ay sheegeen mas’iuuliyiinta.

Tan iyo sanaddii 2013-kii ayaa in ka badan 10 ka mid ah Soomaalida Minnesota waxa ay u safreen dalka Syria, kuna biireen kooxda Daacish. Islamarkaana tan iyo 2007-dii ayaa 22 ka mid ah Soomaalida Minnesota waxa ay u safreen Soomaaliya, ayaga oo ku biiray kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG