Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toronto: Xarun Islaami Ah Oo Cabsi Loo Xiray


Mas’uuliyiinta xaruntan ayaa sheegay inay u xireen sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in xarunta ay bartilmaameed ka dhigtaan dadka islaamka neceb.

Magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa waxaa dhowaan lagu gubay masjid ay muslimiinta lahaayeen, taasi oo lala xiriirshay Islaam naceybka.

Waxaa sidoo kale la xidhay xarun diinta Islaaamka lagu barto oo muslimiintu ay magaaladaas ku lahaayeen, laguna magacaabay Al-Huda.

Mas’uuliyiinta xaruntan ayaa sheegay inay u xireen sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in xarunta ay bartilmaameed ka dhigtaan dadka islaamka neceb, kadib weeraradii Paris iyo California.

Xarunta Al-Huda oo faracyo badan leh, ayaa la sheegay in faraceeda dalka Pakistan ay wax kusoo baratay gabadhii ku lugta lahayd weerarkii magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa arrintan ka waraystay Xuseen Nuur Xaaji oo ah waraiye ku nool dalka Canada.

Xarun Islaam oo la xiray
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00

XS
SM
MD
LG