Masuuliyiinta Pakistan ayaa sheegey in dabley hubeysan ay weerareen bus dad shacab ah sidey oo maraayey magalaada Karchi maanta oo Arbaca ah, weerarkaas oo ay ku dhinteen 45 qof oo rayid ah.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay bilaabashada xabad joojinta dhinaca bani aadnimada ah ee dalka Yemen.
Dhulgariir xooggan ayaa mar kale ku dhuftay dalka Nepal gelinkii maanta oo Talaado ah, kaasoo gilgilay dal weli la tacaalaya burburkii ka dhashay dhulgariir kale oo wax ka yar laba todobaad ka hor dhacay.
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa maanta gelinka dambe lagu wadaa inay hubkooda hoos u dhigaan oo ay dhaqangeliyaan xabad joojin
Booliska Gobolka Koonfurta Mareykanka ku yaala ee Texas ayaa toogasho ku dulay laba nin oo ay sheegeen inay rasaas ku weerareen sarkaal ilaala ka ahaa iskuul
10 Tahriibayaal ayaa ku dhintay biyaha Badda Mediterraean meel ku dhow xeebaha dalka Libia labadii maalmood ee la soo dhaafay, laakiin 4,100 kale ayaa la soo badbaadiyay.
Feeryahanka u dhashay dalkan Mareykanka ,Floyd Mayweather, ayaa sii xajistay rikoorkisii ahaa in aan laga badin 48 tartan feer oo caalami ah oo uu ka qeyb galay, ka dib markii uu xalay ka guuleystay Manny Pacquiao oo u dhashay dalka Philippines.
Qaraxii Maqaayadda Muqdisho
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa wada hadalo ku yeeshay maanta arbaca ah halka uu ka socdo shir madaxeedka dalalka gobolka iyo Afrika ee Jakarta
Todobaadyadii la soo dhaafay si ka duwan doorashooyinkii hore uga dhici jiray dalka Britaian ayaa Muslimiinta ku nool dalkaasi, oo Somaliduna ay ka midtahay waxey aad u hadal hayeen sidii ay codkooda u mideyn lahaayeen.
Barnaamijka Qurbe todobaadkan waxaan ku eegeynaa urur samafal oo la yirahdo Somali Women and Children Empowerment Organization oo fadhigiisuyahay dalkan Mareykanka oo deeq qalab caafimaad ah u diray cusbitallo ku yaala gobolada dhexe ee Somalia.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabab ay galeen dhismaha Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhow isgoyska KM 5.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay markii dooni ay ka buuxeen dad muhaajiriin ah ay ku degtay xeebaha dalka Libya. Talyaanigu wuxuu soo badbaadiyay 5,629 qof 22 doonyood sadex maalmood ah ee la soo dhaafay.
Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in weerarkii ay Al-shabab shalay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ay ku dhinteen 147 qof iyo afartii qof ee weerarka geystay.
Laba qof aya aku dhimatay weerar ay xalay ururka al-shabab ku qaadeen magaalada Wanlawayn ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Weli waxaa warbaahinta dalka Mareykanku ay hadal heysaa hanjbaad dhawaan ka soo yeertay ururka Al-shabab oo sheegtay inay weerar ka geystan doono suuqyada waaweyn ee waddamada reer galbeedka.
Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in isbaheysigga uu Mareykanku hor kacayo ay ku taaganyihiin jidkii ay ku wiiqi lahaayeen oo kama dambeystana ay ku burburin lahaayeen kooxda ISIS.
Falaagada Shiicada ee ku xoogan dalka Yemen ayaa soo gabagabeeyay la wareegstoodii awoodda dalkaasi Jimcihii shalay. iyagoo kale diray baarlamanka.
Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa ka dhacay kulan looga hadlay xaaladda Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee XGQM, Nicholas Kay ayaa golaha ka jeediyay warbixin ka hadlaysa xaaladda Somalia.
Kuwo kale