Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyay Weerarkii Gaarisa


Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in weerarkii ay Al-shabab shalay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ay ku dhinteen 147 qof iyo afartii qof ee weerarka geystay.

Booliska iyo goob joogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysanaa ee galay jaamacadda ay rasaasta u furayeen si aan loo meel dayid.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in mintidiintaasi ay ardayda u kala saarayeen Muslim iyo kuwa aan Muslimka aheyn.

Ciidamada Kenya ayaa soo furtay in ka badan 500 oo arday oo jaamacadda ku go’doonsanaa, 16 saacadood oo ay maleeshiyada Al-shabab la dagaalamayeen ka dib.

Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Dowladda Kenya aya ku eedeysay Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Gacmadheere oo ka tirsan saraakiisha Al-shabab ee Jubooyinka inuu yahay maskaxda ka dambeeysay weerarka.

Dhinaca kale, Mareykanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ayaa cambaaeeyay weerarka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, kuna tilmaamey mid waxashnimo ah oo aan diin iyo dhaqan wax lug ah ku lahayn, wuxuuna Tacsi u diray madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisa.

Dhageyso Wararkii ugu Danbeeyay ee Weerarkii Gaarisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00
Video: Weerarka Jaamacadda Garissa
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:13 0:00

XS
SM
MD
LG