Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin ku Dhintay Xeebaha Libya


Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay markii dooni ay ka buuxeen dad muhaajiriin ah ay ku degtay xeebaha dalka Libya.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in howlgal ay ka qeyb qaateen dayuurado iyo maraakiib oo ay ka wadeen badda Medeteranianta ay ku soo badbaadiyeen 5,629 qof oo la socday ilaa iyo 22 doonyood oo kala duwan muddo sadex maalmood ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa lagu soo wargeliyay galabkii Axadda doonidan oo ku burburtay meel sideetan mile waqooyiga ka xigta xeebaha Libiya, iyagoo ka soo saaray sagaal qof oo meyd ah.

Qiyaastii 3,500 oo qof ayaa dhawaanahan ku haftasho ku dhintay biyaha talyaaniga, iyadoo 170, 000 ay gaareen dalkaasi.

Bishii February, in ka badan 300 oo qof ayaa ku ku dhitay badda Medeteranianta, iyagoo isku dayayay in xilli cimiladu qabowdahay, muujadaha badduna ay kacsanyihiin ay u talaabaan Talyaaniga.

Sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2015ka ayaa waxaa ku dhintay 480 muhaajir, sida ay sheegtay hay’adda caalami ah ee muhaajiriinta ee IOM.

Weli si rasmi ah looma shaacin dhalashada dadka ku dhintay doonida qaraqantay.

XS
SM
MD
LG