Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay "waxyeelleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda" Soomaaliya.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga ee Golah Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid doorashadooda.
Ciidamada Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu fasaxay waxa uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah oo laga fuliyo bariga dalkaas.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay shakhsiyaas Soomaali ah, oo ay ku jiraan kuwa hadda madax ah iyo kuwa hore u soo noqday.
Masuuliyiinta Rwanda ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan.
Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen inay gaaraan Talyaaniga.
Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ayaa la kulmay Ra'isul Wasaare ku Xigeenka dalka Itoobiya maalintii Khamiista, si ay u soo nooleeyaan wadahadalladii xabbad-joojinta ahaa, iyada oo dowladdu oggolaatay in 369 baabuur oo gargaar ah ay galaan gobolka Tigray ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo habeenno dhowr ah ku hoyday isbitaal ku yaal Koofurta California, kadib markii uu ku dhacay cudurka kaadi -mareenka, ayaa la filayaa in Isniinta berri ah la soo saaro, sida uu bayaan ku sheegay afhayeenkiisa Sabtidii.
Ugu yaraan 17 wadaad oo Masiixiyiin Mareykan ah iyo qoysaskooda oo ay ku jiraan carruur ayaa Sabtidii laga afduubtay caasimadda waddanka Haiti ee Port-au-Prince, kaddib markii ay burcad hubeysan ay soo weerartay gaari bas ah oo la socdeen, sida ay werisay jariidadda The New York Times.
Gobollada Waqootiga Kenya waxaa laga soo sheegaya abaar aad u daran, taas oo baabi'isay xoolihii, isla markaana sababatay biyo la'aan daran, waxaana qeylo-dhaan ka diray xoolaleyda iyo hey'adaha samafalka.
Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka go’an tahay inay magdhaw siiso qaraabada10 qof oo lagu dilay weerar khaldamay oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii August.
Waxaa shaley toorey lagu diley mudane ka tirsan Baarlamanka Britain oo lagu magacaabo David Amess oo da’diisu aheyd 69 jira, waxaana uu ka tirsanaa xisbiga afkaartoodu adagtahay ee Conservative Party, iyadoo dilkiisa loo xirey nin 25 jir ah.
Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray halkaas, iyada oo howlgalkan ay cambaareeyeen hay'adaha xuquuqada aadanaha.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waana kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hoggaamiye African ah tan iyo markii noqday madaxweynaha Mareynkanka.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal ku yaal gobolka California, kadib markii uu haleelay caabuq aan xiriir la laheyn xanuunka COVID-19, waxaana sida ay sheegeen dhakhaatiirsu uu joogay isbitaalka labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Waxaa sii xoogeysanaya weerarada cirka iyo dhulka ah oo ay ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda la beegsanayaan xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega Arbacadii shalay, isagoo sheegay in ay la kulmeen qasaaro aad u badan.
Laamaha ammaanka ee dalka Suudaan ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay xubno ka tirsan guddi hawleed kormeeraya geedi-socodka dimuquraadiyadda dalkaas, sida ay sheegeen ilo -wareedyo dhan dowlada ah.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Talaadadii ee ahaa in Soomaaliya lagu wareejiyo inta badan badweynta Hindiya, halkaas laga yaabo in saliid iyo gaas ay ka buuxaan, kadib khilaaf xooggan oo u dhexeeyay labada dal.
Kuwo kale