Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo weeraray Ukraine iyo Putin oo u digay Mareykanka iyo NATO


Ciidamada Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu fasaxay waxa uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah oo laga fuliyo bariga dalkaas.

Wax yar kadib markii uu Putin ka hadlay khudbad laga sii daayay TV-ga qaranka Ruushka, ayaa waxaa laga maqlayay qaraxyo caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Rasaas ayaa ka dhaceysa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinta ah ee weerarada.

“Putin waxa uu hadda bilaabay duullaan buuxa oo uu ku qaaday Ukraine, magaalooyinka nabdoon ee Ukraine waxa ku socda duqaymo” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba.

Milateriga Ruushka ayaa sheegay in ay duqeeyeen saldhigyada ciidamada cirka ee Ukraine iyo goobaha kale ee militariga, aysana bartilmaameedsan goobaha ay dadku ku badan yihiin, waxaana sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay militarigoodu isticmaaleen hub aan waxyeello gaarsiin dad shacabb ah.

Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa NATO inay iska indhatireen dalabaadka Ruushka ee looga hortagayo in Ukraine ay ku biirto NATO iyo dammaanad qaadka amniga Ruushka.

“Cid kasta oo isku dayda in ay na carqaladayso iska daa in ay khatar ku abuurto dalkeenna iyo dadkayaga, waa in ay ogaadaan in jawaabta Ruushku ay noqon doonto mid degdeg ah oo horseedi doonta cawaaqib aydnaan weligiin taariikhda ku arag.” ayuu yiri Putin.

Xigasho Reuters, AP

XS
SM
MD
LG