Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo isbitaal la dhigay


Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal ku yaal gobolka California, kadib markii uu haleelay caabuq aan xiriir la laheyn xanuunka COVID-19, waxaana sida ay sheegeen dhakhaatiirsu uu joogay isbitaalka labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Clinton, oo 75 jir ah, ayaa fiidnimadii Talaadada la dhigay Xarunta Caafimaadka UCI ee magaalada Irvine, sida uu xaqiijiyay fhayeenkiisa Angel Urena. "Waa soo kabanaya, niyaddiisuna waa wanaagsantahay, wuxuuna aad ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan." ayuu yiri Angel Urena.

Madaxweynihii hore ee Mareykankaa, ayaa tagay isbitaalka kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa sepsis ee ku dhaca dhiiggaa, oo sababay barar jirkiisa ah, taasoo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday infekshinka kaadi mareenka, sida ay uu wariyay telefishinka CNN oo soo xiganayay dhakhaatiirtiisa.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in dhakhaatiirta Clinton, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack, ay bayaan ay soo saareen ku sheegay in "la seexiyay isbitaalka, si dhowna loola socdo xaaladdii caafimaad"

Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne ka ahaa Mareykanka intii u dhexeysay 1993-2001, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay la tacaalayay xanuunno kala duwan oo ay ku jirtay qalliin dhinaca wadnaha ah loooga sameeyayy sanadkii 2010.

XS
SM
MD
LG