Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf ka dhex-taagan xubnaha dowladda rayidka ah iyo saraakiisha militariga Sudan


Laamaha ammaanka ee dalka Suudaan ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay xubno ka tirsan guddi hawleed kormeeraya geedi-socodka dimuquraadiyadda dalkaas, sida ay sheegeen ilo -wareedyo dhan dowlada ah.

Xiisadda u dhaxaysa hoggaamiyeyaasha rayidka iyo milatariga ayaa todobaadyo kaddib waxaa sare u qaaday afgambigii dhicisoobay.

Xiisadda siyaasadeed ayaa qaraxday 21-kii Sebtember, markii Ra'iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk uu sheegay in ciidamo weli daacad u ah Cumar Al-Bashiir ay doonayeen inay si xoog ah u leexiyaan ujeedada kacaankii xukunka ka tuuray madaxweynihii hore sanadkii 2019.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda rayidka ay Arbacadii sheegeen in xayiraadda socdaalka ee Adeegga Sirdoonka Guud (GIS) uu ku soo rogay 11 sarkaal oo rayid ah, oo u badan xubnaha guddiga loo xilsaaray burburinta dhaxalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Bashiir.

Bayaan goor dambe oo Arbacadii ah ay GIS soo saartay ayay ku beenisay wararka sheegaya inay socdaalka ka mamnuucday mas'uuliyiintan, waxayna sheegeen in taasi aysan ku jirin awooddeeda.

"GIS waxay xaqiijinaysaa inay u shaqeyso si waafaqsan waajibaadkeeda sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah," ayaa lagu yiri bayaankan.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in liiskan uu ku jiro Maxamed al-Faki, oo shir jaraa’id bishii hore ku eedeeyay milateriga inay marmarsiinyo ka dhiganayaan isku-dayga afgambiga dhicisoobay.

Al-Faki ayaa sidoo kale qayb ka ah Golaha Xukunka Sudan, oo ay qeyb ka yihiin saraakiil radid ah iyo kuwa milatariga, kuwaas oo Sudan maamulayay tan iyo markii Al-bashiir xukunka laga guuray.

Tan iyo isku daygii afgambiga, hoggaamiyeyaasha milaterigu waxay ciidamadii ilaalada kala laabteen guddiga loo xilsaaray burburinta hantida iyo siyaasadda madaxweynihii hore, waxayna dalbadeen in wax laga beddelo isbahaysiga rayidka ah ee ay awoodda wadaagaan.

Reuters.

XS
SM
MD
LG