Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo wajahaya xaalad nololeed oo adag


Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray halkaas, iyada oo howlgalkan ay cambaareeyeen hay'adaha xuquuqada aadanaha.

Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheegaya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah aysan heysan daryeel, welina ay aad u baqayaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas'uuliyiinta magaalada Tripoli ayaa xiray kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah.

“Xaaladdeennu waxay noqotay mid argagax leh. Xitaa hadda oo aan ku suganahay meel ammaan ah, haddana dhab ahaantii weli baqdin ayaa ina heysa" ayuu yiri Cabdel-Caalim Xasan oo 24-jir ah, kana soo jeeda Eritrea. Waxa uu sheegay in si kabaxsan bani'aadamnimada loola dhaqmay mar sidan oo kale la xiray bilo kahor.

Liibiya ayaa hoy u ah ku dhawaad 600,000 oo muhaajiriin ah, sida lagu sheegay tirakoobka Qaramada Midoobay, waxayna Intooda badan ka soo jeedaan Afrikada Saxaraha ka hooseysa, waxaana aad u yar in warbaahinta caalamku ay hesho qaab ay xarumaha lagu hayo muhaajiriinta ee Liibiya uga soo gudbiso warbixin la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG