Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda caafimaad ee madaxweyne Clinton


Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo habeenno dhowr ah ku hoyday isbitaal ku yaal Koofurta California, kadib markii uu ku dhacay cudurka kaadi -mareenka, ayaa la filayaa in Isniinta berri ah la soo saaro, sida uu bayaan ku sheegay afhayeenkiisa Sabtidii.

75-jirkan, oo soo noqday madaxweyne intii u dhexeysay 1993 illaa 2001, ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda California ee Irvine Medical Center fiidnimadii Talaadada kadib markii uu dareemay daal la xiiraray jeermiskan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in afhayeenka Clinton, Angel Urena, uu sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ay wanaagsan tahay.

“Niyaddiisu aadbey u wanaagsan tahay, wuxuuna waqti la qaadanayay qoyskiisa, la kulamay saaxiibbadiisa, isla markaana uu daawaday kubbadda koleeyga,” ayuu Urena ku yiri bayaan uu soo dhigay Twitter -ka.

Xaaska Clinton, Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo murrashaxii madaxweynenimada ee xisbiga Dimuqraadiga ee 2016 Hillary Clinton, ayaa isbitaalka ku jirtay Sabtidii.

Clinton ayaa xanuunsay xilli uu California u joogay ka qeybgalka casho iyo taageero magaalada Los Angels loogu sameynayay hay'addiisa Clinton Foundation, waxaana madaxweynihii hore uu muddooyinkii ugu dambeeyay la tacaalayay xanuunno kala duwan.

XS
SM
MD
LG