Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya (FEIT) ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.
Maxkamad militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Jubaland inay soo dhameystiraan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay qoraal xalay kasoo baxay hay’adda NISA oo ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay beegsato madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11.7 milyan oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.
Dacwad-ooge Turkish ah ayaa maanta weydiistay maxkamadda Istanbul inay baabi’iso kiiska dilka Jamaal Khaashuqji kuna wareejiso Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas xaqiijisay gacalisadii weriyaha la dilay.
Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter.
Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq.
Taalibaan ayaa amartay shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas ka howlgala inay haweenka ka joojiyaan inay raacaan haddii aanu la socon nin ehel ah ama muxram, sida ay saraakiil socdaal u sheegeen wakaaladda wararka AFP.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.
Ethiopia ayaa ku dhowaaqday xabad-joojin ay shuruud ku xiran tahay, islamarkaana mucaraadkeeda gobolka Tigray ayaa ogoladaay inay colaadda joojiyaan haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay “inay caddahay” in Russia ay ka fakarayso inay hub kiimiko iyo bayoloji ah u adeegsato dagaalka Ukraine, wuxuuna ka digay jawaab “darran” oo Reer Galbeedka ay bixin doonaan haddii ay sidaas sameyso.
Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda maanta weeraro isugu jira gantaallo iyo drone oodda kaga qaaday Sacuudiga kuwaas oo beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku jiraan xarumo laga soo saaro shidaalka iyo kuwa lagu nadiifiyo, sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista uu madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka HirShabeelle (SEIT) Axmed Xasan Diini.
Russia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.
Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).
China ma dooneyso inay saameyeaan cunaqabataynada dhaqaale ee Reer Galbeedka ay saareen Ruushka, waxaa sidaas maanta tiri wasaaradda arrimaha dibedda, ayada oo uu sii kordhay cadaadiska Beijing lagu saarayo inay taageerada ka joojiso Moscow.
Ruushka ayaa Shiinaha weydiistay gargaar militari iyo mid dhaqaale oo la xiriira duulaanka Ukraine, waxaa sidaas Axaddii ku warramay warbaahinta Mareykanka.
Ilaada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda.
Kuwo kale