Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Sare ee Pakistan oo go'aan ka gaareysa tallaabadii uu qaaday Imran Khan


Imran Khan
Imran Khan

Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa maanta dhageysaneysay dood ku saabsan go’aankii lama filaanka ahaa ee ra’iisul wasaare Imran Khan uu ugu baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyey si uu uga baxsado mooshin loogu qaadi lahaa codka kalsoonida, kaasi oo xafiiska looga saari karay.

Mucaaradka ayaa Axaddii filayey inay xukunka la wareegaan kadib markii ay isku geeyeen codad ku filan oo ay xukunka uga tuuraan cayaaryahankii hore ee cricket-ka ee isku rogay siyaasiga.

Si kastaba, ku-xigeenka afhayeenka golaha qaranka ayaa diiday inuu ogolaado in la dhaqaajiyo mooshinka isaga oo sababta ku sheegay “faro-gelin shisheeye”.

Waxaa taas dhinac socday, in Khan uu weydiistay madaxtooyada – oo ah xil sharafeed uu ku fadhiyo madaxweyne daacad u ah – inuu kala diro golaha qaranka, taasi oo macnaheedu yahay in doorasho lagu qabto 90 maalmood gudahood.

Sharciyan, haddii aanay maxkmadda sare go’aan gaarin, Khan ayaa xukunka sii hayn doona illaa laga dhiso dowlad ku-meel gaar ah oo maamusha doorashooyinka.

Warqad uu maanta madaxweyne Arif Alvi u diray Khan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Shehbaz Sharif ayuu uga dalbaday inay isku raacaan ra’iisul wasaare ku-meel gaar ah, hase yeeshee Sharif waa uu ku gacan sayray wada-shaqeyn.

“Sidee ayaan uga jawaabnaa warqad uu qoray qof ku tuntay dastuurka,” ayuu Sharif ku yiri shir jaraa’id oo uu maanta qabtay.

Sida ku qeexan dastuurka, ra’iisul wasaaraha ma weydiisan karo in la kala diro golaha qaranka xilli uu wajahayo codka kalsoonida.

Isbaheysi ay sameysteen xisbiyo inta badan loolama ayaa muddo toddobaadyo ah qorsheynayey inay kal furtaan midowgii Khan ka dhigay ra’iisul wasaaraha 2018, hase yeeshee waxa uu sheegay inay xadkii dhaafeen kadib markii ay iskaashi kala sameeyeen Mareykanka “isbeddel maamul” oo ka dhaca Pakistan.

Khan waxa uu sheegay inuu hayo caddeymo – uu diiday inuu shacabka usoo bandhigo – oo ku saabsan faro-gelinta Washington, inkasta oo warbaahinta gudaha ay sheegeen inay tahay warqad ka timid safiirka Pakistan kadib kulan kooban oo uu la yeeshay sarkaal sare.

Khan ayaa yiri in quwadaha Reer Galbeedka ay doonayaan in xilka laga tuuro sababo la xiriira inuusan ku garab istaagin arrimaha caalamiga ah ee ka dhanka ah Russia iyo China.

Washington waa ay beenisay in wax lug ah ku leedahay xasaradaha Pakistan.

AFP

XS
SM
MD
LG