Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China oo ka walaacsan inay saameeyaan cunaqabataynada Ruushka


Wang Yi
Wang Yi

China ma dooneyso inay saameyeaan cunaqabataynada dhaqaale ee Reer Galbeedka ay saareen Ruushka, waxaa sidaas maanta tiri wasaaradda arrimaha dibedda, ayada oo uu sii kordhay cadaadiska Beijing lagu saarayo inay taageerada ka joojiso Moscow.

Beijing waa ay diiday inay Ruushka oo xulufo dhow la ah ku cambaareyso duulaanka Ukraine, waxayna “is-ballaarinta bari” ee Mareykanka iyo NATO ku eedeysay inay kasii dareen xiisadda.

“China qeyb kama ahan xasaraddan, waxayna weli dooneysaa inay sida ugu yar u saameeyaan xayiraadaha,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Wang Yi, sida lagu sheegay qoraalka wada-hadalka taleefon oo uu la yeeshay dhiggiisa Spain Jose Manuel Albares oo maanta la daabacay.

China “waxay weligeed kasoo horjeeday in cunaqabataynada loo adeegsado in lagu xaliyo dhibaatooyinka, iskaba daa cunaqabatayno hal dhinac ah oo aan laheyn wax sal sharciyad caalami ah,” ayuu yiri Yi.

Hadallada Wang ayaa yimid kadib markii wada-hadallo 7 saac socday ay Roma ku dhex-mareen saraakiil sare oo Mareykan iyo Shiinees ah, wada-hadalladaas oo Washington ay sheegtay in Mareykanka ay walaac uga muujiyeen “isbaheysiga” Ruushka iyo China.

Warbaahinta Mareykanka ayaa werisey in Ruushka uu China weydiistay gargaar militari iyo mid dhaqaale oo la xiriira duulaanka Ukraine, xilli ciidamada Moscow ay ku guuldarreysteen inay guulo la taaban karo kasoo hoyaan dagaalka, islamarkaana la saaray cunaqabatayno xooggan.

Warkan ayaa soo baxay saacado kadib markii Aqalka Cad uu ka digay in Beijing ay wajihi doonto “cawaaqib” darran haddii ay Moscow ka caawiso inay ka baxsato cunqabataynada la saaray.

Beijing waa ay diiday inay si toos ah uga hadasho warbixinada, waxaana taa beddelkeeda ay Washington ku eedeysay inay faafineyso “been abuur” ku saabsan kaalinta China ee dagalaka Ukraine.

New York Times, oo soo xiganeysa saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah, ayaa qoray in weli aysan jirin wax tilmaamo ah oo muujinaya in Beijing ay ka jawaabtay codsiga Moscow.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China Zhao Lijian ayaa maanta weriyayaasha u sheegay in Beijing “ay si xooggan ugu boorineysoMareykanka inaysan waxyeeleyn xuquuqaha sharciga ah ee China iyo danaheeda marka ay la macaamileyso xiriirka Ruushka.”

Mar wax laga weydiiyey wararka ku saabsan in Moscow ay caawimaad weydiisatay Beijing, Zhao wuxuu ku eedeeyey Mareykanka “inay faafinayaan been-abuur” ka dhan ah China.

AFP

XS
SM
MD
LG